script src='//www.topcreativeformat.com/ XILDHIBAAN JAMAAL JAAH: MADAXWEYNAHA AYAA HOR TAAGAN QABSOOMIDA DOORASHOOYINKA DALKA.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

XILDHIBAAN JAMAAL JAAH: MADAXWEYNAHA AYAA HOR TAAGAN QABSOOMIDA DOORASHOOYINKA DALKA.

 


HARGEISA ~SGN:Xeerka doorashooyinka Madaxweynaha ayaa caqabad ku noqday, laakiin Habarjeclo taarikhdeeda way ilaashanaysa waana qasab in:- 


"Indhahoo dhami Habar jeclo ayay eegayaan laahiin beeshu way ogtahay markaa yaan loo biqin (All eyes on Habar jeclo)


Golaha Wakiilladu wuxuu cod aqlabiyad ah 30 bishii September ku ansixiyay xeerka cusub ee doorashooyinka isa-saaran oo waafaqsan go,aankii Salaadiinta iyo Gudida beelaha Habarjeclo soo saareen 27 bishii Aug, Muddo sedex bilood ku siman oo uu xeerkaasi golaha guurtida horyaal madaxwaynaha ayaa caqabad ku ah in uu dhamaystirmo xeerkaasi isagoo laba ujeedo ka leh in aanuu jeclay garsoorka lagu qayaan beesha heshiiska keentay oo uu rabo in uu ka daba tago heestii caan baxday ee Garta Ina Sanwaynaa loo gaysan jiray oo ah sumad wanaagsan oo beeshu leedahay iyo in uu mudo kordhin helo (Delay Tactics)

Laakiin labadaa midna ma suuro gelayso oo beeshu taariikhdeedana way ilaashanaysaa Somaliland-na doorasho way ka dhacaysaa"Xil. Jamaal Jaah. Xildhibaan Jamaal  ayaa ah Xildhibaanda Laga soo Doortay Bariga Burco Kaas oo Beel Ahaana Kasoo Jeeda Beelaha Bariga ee Habar jeclo. 



Madaxweyne Biixi Ayaa Xalay Mar Uu La Kulmay Ganacsatada Waaweyn Ee Dalka Yidhi Hadal Muran Badan Abuuray oo La Tacaluqa Qabsoomida Doorashada Ee Isasa Saaran Ee Ururada iyo Madaxtooyada, Kaasoo Uu Yidhi Wali Waxaa Jirta Caqabad Hortaagan In Wadanka Doorasho Laga Qabto Oo Inaanu Dalku Hada Ilaa Khilaafkaas La Xaliyo Mooyee Doorasho dhici Karin. 


Waxaa Xusida In Hore Loo Dhameeyey Khilaafkii Siyaasigaa ahaa ee Dalka dhawr Bilood ka hor Taas oo Hesiish Dhinac Kasta laga Gaadhey. Ilaa Hada Lama Garanaayo Sababta Keentay in Madaxweynuhu Hadana Hadalkan Khilaafka  Oo Hore Loo Dhameeyey  Uga Hor yidhi Ganacsatada Waaweyn. Taas oo Tani Kasoo Hor jeesanaysa Hadal Ay Xukuumadu Hore u Jeedisay oo Ahaa in Doorashada La Qabanaayo Loona Diyaar Garoobo. 


Hadalkan Ayaa Laga Yaabaa Inuu Abuuro Xiisad Kale oo Khilaaf Siyaasadeed ah Taasoo Sare U qaadi Karta xasiloonida Wadanka Maadama Hore Loo Dhameeyey Khilaafkan. 

Post a Comment

0 Comments