script src='//www.topcreativeformat.com/ Taliyaha Sirdoonka Qaranka Soomaliya oo Soo dhaweeyey cuno qabatynta dawlada soomaliya laga qaadaayo.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Taliyaha Sirdoonka Qaranka Soomaliya oo Soo dhaweeyey cuno qabatynta dawlada soomaliya laga qaadaayo.

 

Hargeisa ~Somaliland ( Somali global news ),Taliyaha ciidanka sirdoonka Qaranka Somaaliyeed muddane mahad maxamed salaad ayaa si weyn usoo dhaweeyey xayiraadii iyo cuno qabatayntii saarnayd dawlada soomaliya mudo 31 sano ee ay ka qaadeen golaha amaanka ee qaramada midoobey.

Laba tododabaad ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha soomaliya muddane Hasan sheekh maxamuud uu ka dhawaajiyay in labada todobadaad ee ugu horeeya bisha 12-aad ee december laga qaadi doono cuna qabataynta hubka ee saarnayd dawlada soomaliya muddo dhan 31 sanadood.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa sheegay in dayntii dawlada  soomaliya lagu lahaa iyana laga cafin doono isla bishan decembar ee dhamaadka sanadka 2023. Taas uga dhigan inay dawlada soomaliya dhabada saartay hanaankii iyo tubtii horumarka.

Arintan cunoqabaynta hubka ee la qaadaayo dawlada soomaliya ayaa wax weyn ka taraysa dhinaca amniga iyo cidhibtirka khawaariijta ee ragaadiyay dadka iyo dalka soomaaliyeed sida uu sheegay Taliyaha Haayada NISA ee Sirdoonka Qaranka ee  Soomaaliya.

Kaas oo intaas ku daray inay dawlada soomaliya yeelan doonto awood iyo hub xoogan oo ay yeeshaan ciidamada qaranka soomaaliyeed taas oo ay ku sugi doonaan amniga guud ee dadka iyo qaranka soomaaliyeed. Taas oo u samaynaysa ciidanka qaranka soomaaliyeed dhiirigalin iyo dhiiranaan inay helaan hub ay iska leeyihiin oo ay dalkooda cadowga kaga xoreeyaan.

Si kastaba ha ahaatee, arintan cuno qabadteynta hubka laga qaadayo dawlada somaliya iyo deyn cafinta ayaa dawlada soomaliya uga dhigan guul weyn oo in badan madaxda soomaaliyeed baadi goobaayeen. Xukuumadan hada joogta ee Xasan sheekh gadh wadeenka ka yahay ayaa ka dhabaysay labadaas hadaf oo soomaliya wax weyn uga dhignaa.

Tags

Post a Comment

0 Comments