script src='//www.topcreativeformat.com/ Qorshaha Xisbiga Waddani Ee Doorashada 2024
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Qorshaha Xisbiga Waddani Ee Doorashada 2024

 


Xoghayeyaasha Xisbiga WADDANI oo ay weheliyaan hoggaannada garabada Haweenka iyo dhallinyarada ee Heer Qaran ayaa maanta kulan hawleed ku yeeshay Xarunta Dhexe ee Xisbiga. 


Xoghayaha guud ee Xisbiga mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa xoghayeyaasha iyo masuuliyiinta garabada Dhallinyarada iyo Haweenka u soo bandhigay Barmaamijka Xisbiga ee doorashada Madaxtooyada 2024  oo xilligan la dhammaystiray. Masuuliyiinta xisbiga ayaa si weyn u lafo-guray barmaamijkan xambaarsan qorshaha isbedel ee xisbigu horseedi doono marka uu talada dalka qabto. 


Barmaamijka Xisbiga ee doorashada madaxtooyada sanadka 2024-ka ayaa todobaadka dambe lagu ansixin doona fadhiga Hoggaanka iyo Guddida Fulinta ee Xisbiga, kaasi oo bilaw u noqon doona ololaha doorashada ee isbedelka Xisbiga WADDANI bulshada u hayo kuna suntan yihiin meelaha xoogga la saari doono si kor loogu qaado nolosha bulshada iyo dawladnimada JSL.

Post a Comment

0 Comments