script src='//www.topcreativeformat.com/ MAYOR KU XIGEENKII BURCO OO KA HADLAY XILKA LOO DOORTAY.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

MAYOR KU XIGEENKII BURCO OO KA HADLAY XILKA LOO DOORTAY.


 HARGEISA ~ [SOMALI GLOBAL NEWS]:- Mayor ku xigeenka cusub ee magaalada burco mudane suldaan nuux ayaa ka dareen celiyey xilka cusub ee loo doortay ee isbedelka magaaada burco.

Kaas oo ku tilmaamay inay inbadan raadinaayeen isbedel inuu ka dhaco magaalada burco taas oo ah dareen shacab oo midaysan oo horseedi inay burco la tartanto magaalooyinka dalka.

Dhanka mayor ku xigeenka cusub ayaa la waydiiyey xaalada caafimaad ee mayorkii cusbaa ee maxamed case oo ay lasoo daristay xaalad caafimaad kaaso la sheegayay inuu jiifo cusbitaalada burco mid ka mid ah.

Waxaanu ku jawaabay mayor ku xigeenku "Dadka yaan been loo sheegin oo wararka sheegayaa koomo kuu jiraa waa been, maayorku hada waa ladan yahay xaaladiisa caafimaad waa iska fiicantahay hada.

Waxaana laga yaabaa inuu Hadlo ilaa hadhow ama caawa oo uu ka waramo xaaladiisa caafimaad.

NAGALA SOCO SOMALI GLOBAL NEWS WARAR, WARBIXINO, DARAASADO, FALAQAYN SIYAASADEED IYO MACLUUMAAD SUGAN.

Post a Comment

0 Comments