script src='//www.topcreativeformat.com/ MADAXWEYNAHA SOMALIA OO TAGAY WADANKA KUWAIT
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO TAGAY WADANKA KUWAIT


 HARGEISA ~ [ SOMALI GLOBAL NEWS] :-   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa booqasho-tacsiyeed ku tagay dalka Kuweyt ayaa la wadaagay Amiirka dalkaas Mudane Sheekh Mishcal Al-Axmed Al-Sabaax dhambaalka tacsida shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Amiirkii Kuweyt Sheekh Nawaf Al-Axmad Al-Sabaax.


Madaxweynaha oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Carbeed ee ka qeyb-galay tacsida Amiirka ayaa murugada la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Amiirrada oo uu la kulamy.


Amiirkii dalka Kuwait Sheekh Nawaaf Al Axmed Al Jaabir Al Sabaax ayaa geeridiisa waxaa kasoo wareegtay laba maalin ka dib muddo aad u badan oo u jirinanaa. Amiirkan oo da'diisu ahayd 86 sano jir wuxuu dalkaas soo maamuulayey ama xukumaayay tan iyo 2020 kii. 


Madaxweyne Xasan sheekh mohamoud ayaa booqasho tacsiyeed ugu tagay dalka Kuwait si uu uga tacsiyeeyo dhamaan ehelkii, qaraabadii, dalkii iyo dad weynihii reer kuwait ee uu ka baxay Amiirkaas, kaas oo Alle uga baryay inuu u naxariisto.


KALA SOCO SOMALI GLOBAL NEWS WARAR, WARBIXINO, DARAASADO, FALANQYEN IYO XOGO SUGAN OO SAX AH.

Post a Comment

0 Comments