script src='//www.topcreativeformat.com/ Ethiopia oo maanta xusaysa maalinta Qoomiyadaha ee dalkeeda.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Ethiopia oo maanta xusaysa maalinta Qoomiyadaha ee dalkeeda.


Hargeisa ~[Somali global news] : Wadanka Dal weynaha Ethiopia ayaa maanta u dabaal degaaya xuska 18aad ee qoomiyadaha dalkaas Ethiopia. Kaas oo si weyn oo balaaadhan looga xusay wadanka Ethiopia.

Meelaha aad laysku soo baxay ayaa ka mid ah magaalada jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia halkaas oo ay ka sameeyeen isku soo baxyo balaadhan iyo xaflado loogu dabaal degaayayo xuskan.

Dhanka kale magaalooyinka waaweeyn ee wadan weynaha Ethiopia ayaa iayagana aad loo xusayaa iyadoo madaxda dawlad goboleedyaduna kala qayb qaadanayaan xuska maalintan shacabka iyagoo ka qayb galaaya xafladaha iyo munaasibadaha ay soo abaabuleen.

Si kastaba ha noqotee dawlada Ethiopia ayaa sanadkiiba mar xusta, xuska maalinta qoomiyadaha ee dalkaas. Maadama ay dalka ay ku noolyihiin qoomiyado fara badan o kala dhaqan iyo af ahi.



Kala Soco Somali Global News warar, warbixin, cilmi baadhis iyo Macluumaad kale oo sugan.
Tags

Post a Comment

0 Comments