script src='//www.topcreativeformat.com/ DARAASAD: Saamaynta caafimaad ee ay leedahay hurdada badani.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

DARAASAD: Saamaynta caafimaad ee ay leedahay hurdada badani.


HARGEISA, [ SOMALI GLOBAL NEWS ].Saameynta caafimaad ee hurdada badan.Daraasadii ugu balaadhneyd ee laga sameeyo hurdada inta la ogyahay guud ahaan dunida, waxaana xogta cilmibaadhistan laga soo ururiyey dad ka badan 40,000 qof kuna nool 35 daafaha dunida. 

Daraasadan 00 ay wadey Jaamacada Western University ayaa waxa lagu sheegay in hurdada badani ay leedahay caafimaad daro, sida hurdo yaridu u leedahay caafimaad daro.

Cilmibaadhayaasha ayaa sheegay in wixii ka badan 7 ilaa 8 saac oo la jiifsado habeenkii ay leedahay caafimaad daro dhinca maskaxda. Dr Conor Wild oo ahaa mid ka mida hogaamiyayaasha cilmibaadhistan ayaa yidhi "haddii aad seexato 11 saac maalin kasta waxay dhaawaceysaa maskaxdaada sida ay u dhaawaceyso adiga oo jiifsada saacado yar oo kale".

Waxa uu intaa raaciyey dhibaatadu waxay imaan kartaa marka arrinkan la joogteeyo.Machadka lagu magacaabo Westren's Brain and Mind Institute ayaa xogtan kasoo ururiyey dad gaadhaya 40,000 qof, waxaana la qaybiyey questionnaire si ay u buuxiyaan ka hor inta aan qaab online looga qaadin tijaabooyin. 

Dr Conor Wild ayaa hadalkiisa ku siidarey in dadka cilmibaadhistan lagu sameeyey qaarkood aysan ba jiifsan xilligi loogu talagaley ee ahaa ugu badnaan sideed saacadood, waxa uuna sheegay in dadku celcelis ahaan

jiifsadaan 6.3 saac habeen kasta.Cilmibaadhistan ayaa intaas ku sii dartey in dad aad u tiro badan celcelis ahaan seexan jireen afar saacadood habeen kasta, taasina waxa ay saameyn ku yeelatay in 10 sano loo maleynayo iney ka weyn yihiin da'dooda iyo iyadoo saameysay awooda hadalka. Waxa ay ku talineysaa daraasadu in celcelis ahaan 7 ilaa 8 saacadood la seexdo habeen kasta.


KALA SOCO SOMALI GLOBAL NEWS  WARAR, WARBIXINO, DARAASADO IYO MACLUUMAADYO KALE OO SUGAN.  

Post a Comment

0 Comments