script src='//www.topcreativeformat.com/ Akhri: Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Khudbad Taarikh Ah ka Jeediyay Qaramada Midoobay
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Akhri: Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Khudbad Taarikh Ah ka Jeediyay Qaramada Midoobay

 


HARGEISA, SOMALI GLOBAL NEWS -

Xildhibaan Barkhad jaamac Batuun oo khudbad dheer ka jeediyay xarunta qaramada midoobay ee jiniifa ayaa yidhi:- Qaramada midoobay waxaanu u sheegaynaa in dalkayaga Somaliland yahay dal ku suntan Dimuqraadiyad, Doorashooyin iyo degenaansho,

Balse aanay beesha caalamku aanay siinin mudnaanta aanu leenahay oo ah in nalagu Ixtiraamo.

Dadkayagu madax-bamaanida ay ku dagaalameen sanadkii 1991-kii ee ay dib ugu la soo laaabteen dhulkoodii iyo xuduudahoodii ingiriisku kaga fadhiyay.

Ka dib waxay u midoobeen inay dib u dhistaan hab dawladnimo dimuqraadi ah iyo inay muwaadiniintoodu helaan xaq iyo xuquuq siman oo cadaalad ah.

Sida oo kale wuxuu dalkayga Somaliland buuxiyay dhamaan shuruudihii dawladnimo ee looga baahnaa.

Qaramada midoobay waxaanu u sheegaynaa inuu dalkayagu yahay dal ku suntan dimuqraadiyad,doorashooyin iyo deganaansho balse beesha caalamku aanay siinin mudnaanta aanu leenahay oo ah Ictiraaf.

Sanadkii 2021-kii doorashadii dhacday waxa si aqlabiyada iigu codeeyay dad ka badan 21kun oo qof

Anigoo ka soo jeeda beelaha la hayb-sooco taasina waxay cadayn u tahay dimuqraadiyada ka jirta dalkayaga. 

Taariikhda Somaliland waxay ku noqotay in codad intaa gaadhaya lagu doorto kursi baarlamaan.

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ayaa khudbadan ka jeediyay Qaramada midoobay

Tags

Post a Comment

0 Comments