script src='//www.topcreativeformat.com/ SAAMEYNTA TABAN EE BARAHA BULSHADU INAGU YEESHAY
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

SAAMEYNTA TABAN EE BARAHA BULSHADU INAGU YEESHAY

Baraha bulshadu waa gole balaadhan oo  bulshadu ku kulmaan, amaba waa goob kulmisa malaayiin dad ah oo ku kala nool daafaha dunida, taas oo  qofkastaa fikirkiisa iyo aragtidiisa uu hayo ku soo bandhigo. Waxaana ka midda aaladaha lagu xidhiidho ee baraha bulshada Facebook, WhatsApp, Instagram, Twitter, Tiktok, Telegram, Imo iyo waliba kuwa kale oo aad u badan.

Sidaa daraadeed waxay nu isku dayi doonaa inaan ka eegno dhinac xun ee leeyahay isagu, inagoo hada sheegayn Faa'iidadiisa balse waxaan rabnaa inaan intii aan awoodno ee wakhtigu na inoo saamaxo ka tilmaano dhibaatooyinka Ba'an ee uu inagu yeeshay isagu, taas oo aan qofna ka qarsoonayn khasaarihiisu inuu ka batey faa'iidada uu lahaa.  Hagaag hadaba waxaan soo qaadan doonaa waxyaabaha uu sida gaarka ah saameynta xun ugu yeeshay ka dhalinyaro ahaan walina inteena badan moogan tahay. Waxaana ka mida ah .

    ▪︎CIBAADO ILAALIN LA' AAN.

Badanaa dadka aadka u isticmaala degeladan kala duwan ee baraha bulshada ma ah kuwo sallaadaha ilaaliya sabab mashquul oo uu ku keenay isagu, taasina waxay keentay in dad badan oo wehel ka dhigtey baraha bulshadu ay noqdaan kuwa dayaca ama dib u dhiga wakhti salaada. Waxaad arkaysaa dhalinyaro iyo dad waaweyn oo ku foorara isticmaalka khadka nooc kastaba ha ahaadee kuwaas oo ku saamo laylaaya habeenkii, Miyaaney ka qurux badneyn inuu salaatu-layl ku soo jeedo halkii uu ku soo jeeddi lahaa wax aan Faa'ido lahayn, ilayn sallaada ayuu ajar iyo xasanaad ku heli lahaaye. addoonkuna ma'aha inuu Alle oo abuurey cibaadadisii kaga mashquulo waxyaabo aduun kiisa iyo aakhiradiisa midna Faa'ido ugu jirin. Markaas taas weeye ayaan odhan karnaa saameynta uu inagu yeeshay

▪︎WAKHTIGA DIL ( LUMIN).

Sideynu oggnahay wakhtigu waa nolosheena dhabtaa ee aan haysano, waa hantideena ma guurtadaa ee aan lacag la siisan. Sidaas oo ay tahay muhiimada, mudnaanta iyo qiimaha uu wakhtigeenu leeyahay waxaan helaynaa markaan ku bixino sheey qaaliya oo wanaagsan.

Hagaag, Hadaba baraha bulshadu waxay nu odhan  karnaa waa aafada ugu xun ee disha wakhtiga marka dhinaciisa xun la eegaayo, taas oo aad arkayso dad badan oo afar iyo labaatanka saac isticmaalaaya khadka iyadoo aaney jirin wax ujeedo oo ay ugu jiraan, markaa waxay caddeynaysaa inuu meeshaba ka baxay qiimihi iyo muhiimadii wakhtigu lahaa, lama yaabeynu maxaa yeelay waxaney lahayn jadwalka maamulida wakhtiga taas ayaana keentay in aanu  dareen sanaan qiimaha wakhtiga iyo faa'iidada uu leeyahay ba.Dadkii hore haddaan eegno may ahayn kuwo wakhtigooda wax' aan faaiido ahayn mooyee wax kale ku lumin, garteyna qiimaha wakhtiga u leeyahay,  waxaa uu leeyahay Ibnu Qayim Aljowzi Raximahullah ( اضاعة وقت أشد من موت  ).

Wakhtiga oo la lumiyaa waxaa uu ka daran yahay geerida. Sidoo kale dadka hungoobay ee khasaaray naartana galay maalinta Aakhiro waa kuwii iyana aan ka faa’idaysan waqtigoodii adduunka ay ku heleen kuna lumiyey wax aan faaiido ugu jirin labada daaroodba, Eebana koreeye waxaa uu yidhi isagoo arinkaas   tilmaamaya: 
  قال تعالى( ذالكم بما كنتم تفرحون في الأرض بغير الحق و بما كنتم تمرحون ) macne:  kaasi waa wixii aad ahaydeen kuwo ku farxa Arlada( dhulka)
dusheeda xaq la’aan iyo waxaad ahaydeen kuwo ku ciyaara)) .Sidaa daraadeed walaalayaal aynu ka ilaalino wakhtigeena luminta badan ee macno-daradaa ee baraha bulshada inagu hayo. 
 

▪︎WAXBARASHADA ARDAYGA.

Waxbarashadu waa lama huraanka iyo laf-dhabarta ardayga, waana sheeyga kaliya ee adduun ku maanta iskugu faano. Hagaag, bal hadaba iyana waxaan waxan ka tilmaami doonaa sida uu u saameeyo baraha bulshadu aqoonta ama tacliinta uu baranaayo ardaygu,  baddanaa ardayda caaddeystay ama laasimtey isticmaalka aalladani waxay noqdaan, kuwo ka cawda faham yaraan, hurdo yaraan balse taa badelkeeda noqday kuwa ku foogan habeen iyo maalinba aaladan casrigaa.

✯ CAAFIMAAD DARO.

Isticmaalka badan ee la adeegsanaayo baraha bulshada ee dhanka khaldan waxay kuu keeni karaan caafimaad daro jidheeh iyo mid maskaxeed oo khatar galin kara noloshaaada iyo badqabkaaga intaba. Waxyaabaha laga qaado waxaa ka mid ah dhiig yaraan, hurdo yaraan, stress (qulub), deganaan la'aan maskaxeed iyo waxyaabo badan oo  katar ah oo noloshaada caafimaad wax yeeli kara. Sidaa awgeed waa inaan iska yaraynaa isticaamlka badan ee social meidaha ee walina dhanka khaldan.

Hadaba maxaa u keenay inay ka cawdaan faham la'aan iyo hurdo la'aan? Jawaabtu waa baraha bulshada ee ay sida joogtada ugu jiraan, taasi waxay keentay inuu meesha ka baxo Akhriskii laga rabey inuu ardaygu la yimaado maadama ay tacliinta iyo akhris walaalo yihiin; mida kale hurdo yaraanta waxaa keena isticmaalka aaladan taas oo ay mamnooc tahay inuu ardaygu isku ilaawo. Markaa waa inuu ardaygu yareeya isticmaalka badan si aannu waxbarashadiisa mustaqbalka caqabad iyo dhibaato ugu keenin..

lntaas ayaan mawduuca kusoo afmeerayaa, ma lihi waan dhammeeyay saameynta dhibaato ee  uu baraha bulshadu inagu yeeshay balse waxaan leeyahay waxbaa  ka iftiimiyey saameytiisa walina anoo soo qaatey kuwii ugu muhiimsanaa markaan eegay anigu. Gabogabadii dadkeenu gaar ahaan dhalinteenu waa inay iska yareysaa isticmaalka badan ee aaladahan aan kor ku soo xusney saameyntooda taban waayo waxay ku keenaysaa dhibbaato farada badan oo dhinac kasta ah .


Post a Comment

0 Comments