script src='//www.topcreativeformat.com/ Maxaabiis ay is waydaarsadeen hamas iyo isreal
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Maxaabiis ay is waydaarsadeen hamas iyo isreal

Imisa maxaabiis ah ayaa la sii daayay oo ay is waydaarsadeen isreal iyo Hamas? Waxa jiray saddex maxbuus oo la isweydaarsaday tan iyo markii xabbad joojinta afarta maalmood ah ay bilaabatay Jimcihii. Hadaynu soo koobno warbixinta sii daynta maxaabiista waxay ahayd sidan:- Guud ahaan, 175 qof ayaa la sii daayay, oo ay ku jiraan labada dhinacba sida ay sheegayaan wargeysyada wax ka qoro isreal iyo Hamas. 39 muwaadin Israa'iili ah oo ay Xamaas sii daysay, iyagoo u qaybsan saddex kooxood oo iskugu jira ragg iyo dumar iyo ciyaal intaba. 117 maxbuus falastiiniyiin ah oo ay Israa’iil sii daysay, waxayna u qaybsameen saddex kooxood oo iskugu jira caruur yar yar oo da'doodu ka hooseyso 15 ilaa 18, dumar iyo ragg intaba. Dadka ay sii daysay Hamaas ayaa waxaa ku jira dad ajaaniba ah oo tiro ahaan aan badnayn. Xamaas waxay sheegtay in guud ahaan, 50 haween iyo carruur ah la sii dayn doono beddelkeeda 150 haween iyo carruur Falastiiniyiin ah oo ku jira xabsiyada Israa'iil sida uu dhigayo heshiiska xabbad joojinta. Hadalka ayay jeedisay Hamaas iyadoo ku sheegtay in xeerka xabad joojinta ay ka midahay midani laguna dhaqmo shuruud la'aan. Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warramaysa in Israa’iil aanay weli helin liiska magacyada 11 la haystayaal ah oo la filayo in ay Xamaas sii daayeen Isniintii. Taas ay weli ka sugayso war ku saabsan raggan oo ay soo saarto Hamaas. Netanyahu ayaa sheegay in xabbad joojinta la kordhin karo haddii maxaabiis badan la sii daayo 10 maalin ee hadhsan. Dhanka kale, saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in ka badan 3,200 oo falastiiniyiin ah lagu xidhay Daanta Galbeed ee la haysto oo keliya tan iyo 7-dii October. Loona baahanyahay in lasii daayo.

Post a Comment

0 Comments