script src='//www.topcreativeformat.com/ Da'da ay raggu ugu khiyaano badan yihiin xiliga shukaansiga ?.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Da'da ay raggu ugu khiyaano badan yihiin xiliga shukaansiga ?.

 

Lamaane 
Da’ da raggu ay ugu khiyaano badan yihiin xiliga shukaansiga. Haddii aad aaminsaneyd in ragga ku jira da‟da 20-ka aysan ku habbooneyn in lala haasaawo isla markaana ay qiyaanooleyaal yihiin, waad qaldan tahay dibna ugu laabo shaqada gurigaaga. 

Badanaa haweenka da‟da yar ayaa doorta rag waaweyn sababtoo waxay aaminsanyihiin in ragga waaweyn ay u hayaan wax kasta oo ay nolosha u baahan tahay iyo inay dhaqaalaha iyo wixii lamid ah ku wanaagsanyihiin isla markaana ay diyaar u yihiin guur. Si‟kastaba, cilmi baadhis ayaa shaaca ka qaaday in ragga hantiile yaasha ah ay ka qiyaano badan yihiin ragga ku jira dabaqadda hoose iyo dhexe.Hantiyada waxay la timaadaa  

awood, maadaama ay awooddaas wadatana, fursadaha aad ku heleeyso wax kasta oo ay ku jirto lamaanta aad ku riyooneysay sanado badan aad ayay suurtagal kuugu tahay. 

Haddii aad aaminsaneyd in ragga waaweyn aysan wax qiyaanin, mar kale ka feker. Daraasada ayaa muujisay in heerka lugooyada iyo qiyaanada ragga ay kusii korodho da‟da, islamarkaana gaadho heerka ugu sarreeya marka ay gaadhaan 55 jir sano. 

Daraasadda waxay sheegtay in ragga waqtigaas ay go‟aan ku gaadhaan inay bixiyaan fursaddoodii ugu dambeysay ee ay ku helayaan daaqsin cagaaran ama haween kale ka hor intaysan faa‟ido gabin. Inta ay qorshahaas wadaan ayaa la sheegay in wax badan ay qiyaanayaan haweenkooda. 

Kadib 55 sano, qiyaanada ragga ayaa la sheegay inay hoos u dhacdo taasoo loo sababeeyay in waqtigaas in waqtigaas aysan u fir fircooneyn sidii hore isla markaana qancintooda ay  yaraato.

Tags

Post a Comment

0 Comments