script src='//www.topcreativeformat.com/ Waxay 6da guuladaro ee kasoo gaadhey dagaalkii xoogaga islaamiyiinta xamaas ku qaadaaen ?
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Waxay 6da guuladaro ee kasoo gaadhey dagaalkii xoogaga islaamiyiinta xamaas ku qaadaaen ?

 

6. dii guuldaro ee soo gaadhay isreal dagaalkii dhexmaray Xamaas maalintii sabtidii ee lasoo dhaafay.

1.  Sirdoonka musad ee isreal ayaa ku fashilmay la socoshada iyo ka warhaynta Dhaqdhaaqyada ay wadeen xoogaga islaamiyiinta ee xamaas kusoo ugu danbayn fuliyay qorshahoodii kuna guulaystay.  Taas oo ahayd fashilkii ugu darnaa ee soo gaadhay sirdoonka mossad oo ahaa midka ugu xoogan qalab ahaan iyo aqoon ahaanba bariga dhexe.

2. Xoogaga xamaas ayaa ku guulaystay inay si hufan ku fuliyaan hawlgalkooda kaas oo ay ka qayb qaateen ugu yaraan 1000 dagaal yahan oo tababar sareeya qaba. Kuwaas oo weerer cir iyo dhul ah ku qaaday  gumaystahii ciidamadii isreal, kuwaas oo aan helin wax iska caabina oo dhanka isreal ah.

3. Ciidanka gumaystaha isreal wakhti dheer ayay ku qaadatay inay ogaadaan hawlgalkan taasina waata keentay inay anfariir iyo is dhexyaal ku dhaco ciidamadii gumaystaha isreal, kadib markii wax gargaar iyo kaalmana ay heli waayeen dhifaacyadii iyo saldhigyadiina dhamaan lala wareegay.

4. Gadiid iyo gurmad la'aan. Waa caqabada ugu weyn ee qabsatay ciidamada isreal kadib markii ay waayeen ciidamadu waxay kusoo firxadaan ama kusoo baxsadaan, taas oo keentay in ciidan iyo dad rayida oo tiro badan nolosha lagu qabqabto waxna la laayo.

5. Qorshaha Xamaas oo aan la ogaanin, waa mid ka mid ah fashilka ugu wayn ee soo gaadhay ciidamada isreal kuwaas oo maalmihii ugu danbeeyey ay kulmeen saraakiil sare sare oo ka tirsan ciidmada amaanka taas oo ay iska dhaadhiciyeen inaany qorshayaasha xamaas ku eekaanayaan uun gudaha Gaza laakiin soo gaadhayn isreal, sidoo kale waxay iska dhaga tireen dhowr jeer oo ay xamaas uga digeen gabood falada ay ka gaysanayaan Masjidka barakaysan ee Qudus iyo iska dilka dadka rayidka ee reer falastiin iyo weliba deegaamaynta cusub ee ay kawadaan daanta koonfureed.


6. Hub furasho iyo maxaabiis: tan iyo sanadkii 9 Oct 1973 reer falastiin waxay sameeyeen dhacdo midaas shabahda taas oo 50 sano ee  ee ugu danbaysay aanay helin fursad, ayaa waxay ku guulaysteen inay qabsadaan hub culus oo aad u tiro badan iyo maxaabiis fara badan oo iskugu jiro saraakiil, askar iyo dad rayidba intanba.

Kuwo kale oo badan way jiraan laakiin waxaynu soo qaadanay 6 qodob oo aynu u arkaynay inay ugu wayntahay jabkii yuhuuda soo gaadhay dagaalkii xamaas la gashay.

Post a Comment

0 Comments