script src='//www.topcreativeformat.com/ WAR-SAXAAFADEED.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

WAR-SAXAAFADEED.


 WAR-SAXAAFADEED.

Dilalka Israa'iil ee qoysaska soogalootiga ah waa dambiyo bani'aadamino oo aad u fool xun taas oo sabab u ah in dadkeena ay ku mudaaharaadan dhulkooda, iskana difaacaan gumaystaha saahnooniyada oo dagaal aanay waxba ula hadhin kusoo qaaday dadkeena.

Dilalkan arxan darada ah ee lagu laayay dadka soo galootiga ah oo ay ku jiraan caruur iyo haween oo ay gumeysiga Israel u gaysteen shacabka daacada ah ee reer Falastiin, waxay cadaynysaa inay u badheedheen inay gabood falo nooc kasta gaystaan oo dhiiga shacabkeena daadiyaan, taasina waanu uga aaraynaa markastana difaaca dadkayga iyo dhulkayga waa muqadas inaan ka ilaalino cadawgan soo duulay. 

Xasuuqan oo daaha ka qaaday beenta, iyo been abuurka Israa’iil, waxaa ku naf waayay weererada maanta 70 qof oo in ka badan halka 200 oo ka mid ah ay ku dhaawacmeen, waxayna Israa’iil si shaki ku jirto uga dalbatay dadkeenna inay guryahooda ka baxaan. Taasina waa waxaan dhacay, dhibkasta oo soo gaadha dadka reer falastiin ee xaqu dirirkaa jawaabteeda waanu siinaynaa saahnuuniyda soo duushay. 

Weli waxay sii wadaa Israa'iil inay sii laban laabto dagaalka iyo duqaymaha kala joogsiga lahayn ee badheedhka ah ee burburinta,guryaha rayidka, caafimaadka, dugsiyada iyo caruurta yar yar ee toos ka loo tooganayo, haddaanu nahay dhaq-dhaqaaqa Xamaas waxaan xaqiijinaynaa in dembiyadaas ay qarinayaan Maraykanka iyo reer galbeedka, waxayna cadaynaysaa is garabsiinta cadaalad darada iyo gaalada isa soo bahaysatay ay ka wadaan dhulkayga.

Kuwan dulmiga iyo gardarada ku haya shacabkayagu kuma guulaysan doono inuu burburiyo rabitaanka shacabkeena iyo inta isku duuban ee aan rabin gumaysi iyo cabudhin. 

Waxaa soo saaray dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamka - Xamaas Sabti: 29 Rabii al-Awwal 1445 Hijriyada Taariikhda: 14 October 2023 AD

Post a Comment

0 Comments