script src='//www.topcreativeformat.com/ Waa tee dekada ay doonayso Ethiopia inay qaadato
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Waa tee dekada ay doonayso Ethiopia inay qaadato


Khariiradan ayaa hadal hayn badan ka dhalisay baraha bulshada gaar ahaan somalida, waxaana baahiyay website-do iyo qaybo ka mid ah warbaahinta Ethiopia. Waxayna kusoo beegmaysaa xili uu madaxweynaha Ethiopia Dr. Abey Ahmed uu hadal ka hor jeedinayay xisbiga barwaaqo ee uu ka tirsan yahay ee haya hoggaanka dalka taas oo uu sii kordhaayo damaca dekad gaar u ah oo ay yeelato Ethiopia.

Waxaa uu ka horjeediyey khudbad soconaysay ilaa 45 daqiiqo taas oo hadalkiisa kaga hadlay siyaasada mandaqada, geeska iyo guud ahaan xaalada bariga Africa. Taas oo si aada ugu dheeraaday siyaasada wadankiisa iyo xaaladaha dalkiisa. 

Waxaa uu si qoto dheer ugu dheeraaday arinta bad la'aanta dadka Ethiopia taas oo ku tilmaamay inaanay macquul ahayn in dalkiisa iyo dadkiisa bilaa bad noqdaan, taaso oo uu ka dhawaajiyey in dadkiisu hada yihiin 120 milyan iyo dheeraad taas oo yidhi sanadaha soo socda inay 150 milyan noqonayaan. 

Waxaa uu hadaladiisa kusoo qaatay xeebaha Somalia, Somaliland iyo Eratria, welina waxaa uu aad carabka ugu adkeeyey xeebaha galbeed ee Somaliland ee saylac iyo tan Eratria. Eratria ayaa iyadu kasoo jawaabtay waxayna tidhi:- wax bad ah oo la wadaagaayaa ma jirto sidan dalkaba loo wadaagin. 

Dhankale Somaliland ayaa iyana wasiirka Gaashandhiga uu qoraalk bartiisa twitter kusoo qoray ku yidhi : Saylac waa qayb Somaliland ka mid ah oo aanay ka maarmi karin sidaa daraadeed lama aqbalaayo damacaas Ethiopia. 

Aan usoo noqdo khariiradan dhankan ay Somaliland ku qoreen waa dhulkii reserves area ee Dawlad deegaanta Ethiopia taas oo leeyihiin falanqeeyayashu waxay leedahay Ethiopia waxay rabtaa inay ku badalato xeebta saylac oo ay mabka ku darsatay laakiin waxaasi waa waxaan dhacayn. 

Soomali iyagoo joogaa ayaa dhulkoodii la qaybsanaa waa ayaan daro inuu axmaar iyo oromo maanta hamuum iyo damac ka hayo xeebaha dadka soomaaliyeed.Ha la feejignaado somaaliyeey.


Post a Comment

0 Comments