script src='//www.topcreativeformat.com/ Waa kuma ninka 20 -sano ay raadinaayeen sirdoonka isreal?
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Waa kuma ninka 20 -sano ay raadinaayeen sirdoonka isreal?

 

Waa kuma ninka ay 20 sano raadinaayeen gumaystaha isreal ee fadhi iyo hurdaba u diiday ?


Waxaa la yidhaahdaa magaciisa oo sadexan maxamed diyaad ibraahim (Al masri ) laakiin waxaa uu la baxay markii danbe dayf oo micne ahaan noqonaaya marti. Ururka xamaas dhexdeeda waxaa looga yaqaanaa abuu khaalid ( Khaalid aabihiis).

Waxba lagama hayo warbixintiisa oo dhamaystiran iyo noloshiisa khaaskaa midanba laakiin waxaa la ogyahay saamaynta balaadhan ee uu leeyahay la dagaalanka iyo ugaadhsiga uu ku hayo ciidamada isreal oo werwer iyo walbahaar ku abuuray.

Waa hoggaamiyaha guutooyinka cisu diin al-qadaam ee garabka milateri ee ururka xamaas.Waxaa uu ka mid yahay hoggaamiyaha ay ugu doonista badan tahay isreal isaga iyo kuwo kale oo qaar kamida ah siyaabo badan ku khaarajisay. Waxaana xusid mudan in dhawr jeer ay shaaciyeen inay dileen isreal ninkan laakiin gadaal ka ogaadeen inuu noolyahay.


Waxay mardanbe isreal shaacisay inay duqayn ay la beegsatay uu ku waayay labadiisii indhood, gacan iyo labadiisii lugood kana mid noqday dadka curyaamiinta. Intii lagu guda jiray 2000 ilaa 2013 waxaa uu ka badbaaday afar isku day oo isreal doonaysay inay ku khaarajiso laakiin waa uu ka badbaaday.

Iskudaygii 5-aad ee nolosha dayf lagu bartilmaameed sanaayay waxaa uu dhacay sanadkii 2014 -kii kadib markaasoo uu dagaal ba'ani dhexmaray ururka xamaas iyo gumaystaha isreal, halkaas oo ku dishay xaaska dayf iyo wiil uu dhalay waxaanay yidhaahdeen waxaanu dilnay dayf.


Balse waxaa warkaas dilka dayf been inay ururka xamaas oo sheegay inuu dayf nool yahay waxaasina tahay been abuur. Sanadkii 2021-kii markii dagaal xoogan dhexmaray Xamaas iyo isreal ayaa waxay dadka reer falastiin ee dibad baxyada samaynaaya ku dhawaaqaayeen magaca dayf oo ay lahaayeen waa darbiga cadowga iyo halyayga reer falastiin.


Taas oo cadho iyo shalayto ku abuurtay gumaystaha isreal ee yuhuuda. Waxaanay bartilmaameed ka dhigatay inay khaarajiso laakiin dhamaan isku dayadaas ilaa 2000 ilaa wakhti xaadirkan kuma guulaysan waynu ku fashilmeen isku daygaas oo dhan wixii lacag, maskax, wakhti iyo hub ay ku bixisay ilaa hda faa'iido kama hayso.

Hoggaamiyaha humaaga ah ayaa ku nool guri ku yaala dhulka hoostiisa halkaas oo uu ka bixiyo amarada iyo hogaaminta intaba, ma isticmaalo is isgaadhsiin waligii kamana soo muuqdo shaashadaha iyo warbaahinta laakiin waa hoggaamiyaha daaha gadaashiisa ku jira ee libaaxa ah cabsida iyo agagaxna ku abuuray yuhuuda waxaana lagu naanaysaa "ninka aan suurtagalka ahayn". Sidookale "( تسعة الأرواح).

Post a Comment

0 Comments