script src='//www.topcreativeformat.com/ Wa ayo wadamada gaargaarka bani'aadamo soo gaadhsiiyay reer Qaza.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Wa ayo wadamada gaargaarka bani'aadamo soo gaadhsiiyay reer Qaza.

 

Dowlada Masar waxay u diraysaa reer Falastiin Baabuur sida shixnado gargaar bini’aadantinimo oo isugu jira dawooyin, cunto kala duwan, kuwa qasacadeysan iyo agab-yada kale ee lagama maarmaanka ah, kuwaas oo kusii jeeda magaalada Qaza.

Dhanka kale shalay ayay ahayd markii wadanka turkigu uu deeq bani'aadamino soo gaadhsiiyay shacabka reer falastiin ee go'doonka iyo dagaalka ba'an ay ku hayso gumaystaha isreal ee yuhuuda. Taas oo agabka lagu soo qaaday diyaarad military taas oo cago dhigtay

Tan ayaa imanaysa kadib markii ay isreal ku dhawaaqday inay dagaal dhulka,cirka iyo bada ku qaadayso marinka Qaza ee falastiin taas oo keentay inay sii laba jibaarto duqaymaha kala go'a lahayn ee ay ku hayso shacabka reer falastiin.

Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka tamarta ee isreal uu amray in dadka reer falastiin ee Qaza laga Jari doono laydhka, biyaha, cuntada iyo gaargaarka caalamigaa ah si ay ciqaab ugu noqoto kuwii ciidankooda laayay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Si kastaba ha ahaatee dagaalka ayaa galay maalinkii lixaad taaso oo ay labada dhinacba gantaalo iyo duqaymo is waydaarsanayaan, dhan kale isreal ayaa laba jibaartay duqaymaha arxandara ah ee ay la beegsanayso shacabka reer falastiin ee ku sugan Qaza.

Dhan kale xoogaga iska caabinta ee xamaas ayaa iyana ku goodiyey inaanay tani waxba u dhimayn balse ay diyaar u yihiin iney difaacaan dadkooda iyo dhulkoodaba.

Tags

Post a Comment

0 Comments