script src='//www.topcreativeformat.com/ KHATAR AMNI DARRO AYAY KU YIHIIN DALKA!!
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

KHATAR AMNI DARRO AYAY KU YIHIIN DALKA!!


 KHATAR AMNI DARRO AYAY KU YIHIIN DALKA!.

Dalkeena waxaa ka buuxa kumanaan dad ah oo ajaanib ah kuwaas oo hawlo iyo shaqooyin kala duwan ka haya dalka. Marka la reebo dadka iyagu sida sharciga ah kusoo gala waddanka ee dawladu xogtooda hayso waxaa jira kuwa kale oo khatar ku ah amniga waddanka.

Hada anigu waxaan joogaa magaalada caasimada ah ee hargeisa somaliland. Waxaad luuqad marto iyo Cafeteria-da  aad ku nasatoba ku arkaysaa dad ajaaniba oo  iskugu jira dumar, ciyaal,  dhalinyaro iyo kuwo waaweynba oo ku shaqadoodu ay ku meeraystaan tahay dawarsi, baalash iyo caday. 

Inkasta oo ay dadaal dheeriya bixiyaan ciidanka laanta socdaalku oo ay saaraan kuway qabtaaanba hadana waxaa la moodaa inaanay cidba la qaadin oo ay buuxaan. Wax la dhayalsan karoh maaha dadka arimahan ku meeraysanaaya waayo shaqo kale ayay wadanka u joogaan waana wada wardoon iyo xog qaadayaan wadanka halis ku ah. 

Waxay daan ka daan u yaqaanaan magaalada iyo meelaha muhiimkaa, sababta oo ah dadkeena waa iska daacad waanay iska aaminaan qaarbaaba dareen samafal u muujiya ama shaqo muwaadin qaban lahaa u dirta taasina waa halis kale oo u sahlaysa inuu xog badan ka ogaado meelkasta oo u baahanyahay. 

Hada ka hor waxaan dhagaystay hadal uu jeediyey isu duwaha madaarada iyo duulista oo yidhi "shaqo dhir beerid ah oo madaarka dhexdiisa ayaa nin ajaanib ah oo ka shaqayn jiray aanu ka joojinay kadib markii aanu aragnay inuu yahay sirdoon". Waa kaas waa khatar amni daro iyo dhayal Sasho ina haysta. Dadka muwaadiniinta shaqo kasto oo dadkaasi qabtaan ha loo diro iyagana ha la dareeriyo oo wadanka ha laga saaro. 

Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah inay guryaheena guri guri usoo garaacaan iyagoo tuugsi wada laakiin arin kale u socda inay caruurta xadaana hadaanay dad waaweyn joogin way u fududahay. Sida sanad ka hor ay u dhacdayba guri laga maqan yahay ay caruur ka xadeen dadadeed lasoo qabtay hadana u xidhan yihiin kiiskaas. Caruurteena la waayo cid aan iyaga ahayn ma xado waa in aan guryaha laga furin oo la eryo. 

Sidaa daraadeed waxaan soo jeedinayaa in ciidanka laanta socdaalka, wardoonka iyo shacabkuba meel uga soo wada jeestaan ilaalinta amniga wadanka iyo xasiloonidiisa. Dadkaasna wadanka laga cidib tiro oo shacab iyo dawlad layska kaashado sidii loo saari lahaa ajaanibtaas Ethiopian ka oo dalkooda lagu celiyo.

Wadanka inagaa leh innaagana masuul ka ah ilaalinta amnigiisa iyo xasiloonidiisa shacab iyo dawladba.

Tags

Post a Comment

0 Comments