script src='//www.topcreativeformat.com/ Digniin caafimaad oo laga soo saarey hab karinta bariiska
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Digniin caafimaad oo laga soo saarey hab karinta bariiska

 

Khubaro caafimaad oo ku takhasustey dhanka biology-ga ayaa soo bandhigtey daraasad cusub oo ay dhawaan sameeyeen, taas oo ay kaga hadlayaan khatarta ku gadaaman bariiska loo sameeyo habka dhaqanka hore kasoo jeeda. Khubaradan ayaa sheegey in habka bariiska waqtigan loo sameeyo oo ah hab ku xidhan ama ka yimid dhaqankii hore ee wax karsigu yahay mid khatar caafimaad ku heysa dadka, gaar ahaan habka bariiska loo saaro daboolka.

Aan daloolada laheyn.Waxay sheegeen khubaradu in qiiqa kasoo baxa bariisku uu dibadda u soo saaro sun badan oo ku jirta bariiska, taas oo kaga hadha marka la maydho, taasina ay dib  

ugu celiso bariiskaasi marka daboolka la saaro. Suntan ayay ku tilmaameen tu ka timid kiimikooyin kala duwan ee lagu buufiyo bariiska marka lasoo jaro iyo marka la beerayo,kuwaas oo ka ilaaliya inuu isbedelo iyo inuu cuno cayayaanka yar yari. Kiimikooyinkan ayaa ay sheegeen iney keenaan in qofku qaado xanuuno kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin wadne xanuun, macaan iyo kansarka. Khubaradan ayaa sheegay in loo baahan yahay in qofka marka uu karsanaayo bariiska inuu ku daboolo digsiga dabool dusha shaandho ka ah, kaas oo u sahlaaya iney suntaas hab qiiq ahaan u baxdo.

Andy Miharg oo ah bare ka tirsan jaamacadda Queen‟s University ayaa sheegtey in loo baahan yahay in dadku bartaan habka karinta bariiska oo saddex nooc noqon karta, taas oo ka badbaadin karta dadka khatarta suntaas.

 Saddexdan hab ayey ku sheegtey ka koowaad in lagu kariyo bariiska digsi la saarey dabool shaandho ah, halka habka labaadna ay ku sheegtey in digsiga lagu shubo biyo aad u badan oo gaadhaya ilaa 5 liter oo biyo ah, kadibna hadhow laga shaandheeyo iyadoo weel shaandho ah la adeegsanayo iyo ta saddexaad oo ah in dhowr jeer lagu maydho biyo kulul.  

Miharg u warameysay Wargeyska Daily Mail ayaa sheegtey in bariiska laga soo saaro ingiriiska uu 58% yahay mid ay ku jirto suntan loo yaqaano Arsenic oo aad u khatar badan, loona baahan yahay iney dadku ka digtoonaadaan.


Kala soco markasta warar iyo Warbixinadii ugu danbeeyey somaliglobalnews.com waa xarun warbaahineed oo soo gudbiso xogo iyo Macluumaad sug.

Post a Comment

0 Comments