script src='//www.topcreativeformat.com/ DARAASAD
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

DARAASAD


 
            ( Research )

Mid ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn uguna caansan Dalka Maraykanka ayaa waxay cilmi BAADHIS ku saabsan Akhlaaqda iyo Xirfadu  doorka ay ku leeyihiin horumarka bulshada dhexdeeda  ku sameeyeen , waxaanay cilmi baadhistaas ku ogaadeen In horumarka qofka Akhlaaqdiisu tahay 93% halka Xirfadu tahay 7% kaliya .

Bal kawaran qofku wuxuu Aqoon baranaayey laga bilaabo dugsi hoose ilaa laga gaadho PHD ayaa waxaay horumarkiisa tahay 7% halka akhlaadu tahay 93% . Hadaynu eegno waxay diinteenu ka tidhi akhlaaqda iyo faa' iidada ay leedahay , waxaa uu Rasuulkeenu sheegay xadiis saxiixa ku yidhi ( Waxa ugu badan ee qofku jannada ku galaa waa Alle cabsi iyo Akhlaaqda wanaagsan ). 

Markaa lama Soo koobi karo qiimaha akhlaaqda halkan waayo Eray iyo lababa midna Kuma Soo koobi karno. Aynu Soo qadano hadal xikmada oo yidhi nin shaacira oo ku saabsan Akhlaaqda iyo qiimaha ay bulshada u leedahay waxaanu yidhi :- 

وإنما الأمم ٌالأخلاق ما بقيت ، فأن ذهبت أخلاقهم ذهبوا .
 Macneheedu tahay ( ummadu waa Akhlaaq intay joogto hadiise Akhlaaqdu ka xumaato ummadaasi wey baaba' daa ).

Markaa waad inaad lahaataa Akhlaaq wanaagsan maadama ay gaalladii ogaadeen inay akhlaaqdu tahay Shay muhiima inagoo Muslim ahna waanu ka sharaf iyo Cizi badanahay iyaga . Sidaa dareedeed waa in aynu noqonaa kuwo leh Akhlaaqda teeda ugu muhiimsan , Akhlaaqda wanaagsan waxaa Soo guda galaaya runta oo lagu hadlo ,  ballanta oo la oofiyo , Khiyaanada oo aand samayn , Dadka oo aad caawiso , iyo labadaada waalid oo aad baarri u NOQOTO . 


Allah mahadleh

Post a Comment

0 Comments