script src='//www.topcreativeformat.com/ Xildhibaanada Awdal Oo Go'aamo soo saaray kaga soo horjeedan Dastuurka Somaliland
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Xildhibaanada Awdal Oo Go'aamo soo saaray kaga soo horjeedan Dastuurka Somaliland



Go'aammadii ay soo saareen qaar kamid ah Xildhibaanada Awdal 


"Markaan aragnay go'aamadda ay soo saareen mid ka mid ah beelaha Soomaaliland. Markaan daraaseynay saami qaybsiga gobalka Awdal ee soo jireenka ah. Markaan aragnay qodobka 8daad 9aad iyo 39naad ee dastuurka jamuuriyadda Soomaaliland. Markaan daraaseynay xeer number 14 iyo xeer number 91. 


Waxaan go'aaminay hadii aan nahay xildhibaannadda gobalka Awdal 


1. In dastuurka la furro laguna cadeeyo in beelaha Soomaaliland sida ay wax u wada yeellanayaan 


2. In deddeg loo saxo, lagana heshiiyo habka saamiga awooda kuraasta sharci dejinta fulinta iyo mashaariicda horumarineed ee dalka,taas oo gobalka Awdal ka madhanyahay. 


3. Tiradda goobaha cod bixinta gobalka Awdal oo maalintii dastuurka aftida loo sameeyey ka dib aan la kordhin balse gobaladda kale oo dhan loo kordhiyey, markaa waa in loo kordhiyaa gobalka Awdal, looguna daraa 80 goobood. 


4. Maadama ay galayaan doorasho toos ah ururada, Madaxtooyadda kolaha Wakiiladda, Deegaanka. Habka tirinta codadku waa in ay noqotaa haldheeri 


5. Go'aamadda aan soo saarno waa in ay saxeexaan dhamaan saddexdii musharax ee hore ee loo xidhay doorashada madaxtooyada iyo guddidii dhexdhexaadinta ee go'aanka soo gaadhay ee beesha Habarjeclo. 


6. In heshiiska la saxeexo, inta aana golaha xeerka la horkeenin, qaraar golena lagu soo saaro." 


Somali Global News 

Tags

Post a Comment

0 Comments