script src='//www.topcreativeformat.com/ Sababta Xildhibaanada xisbiga jamuurigu xilka xayuubin ugu samaynayan Madaxweynaha Mareykanka
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Sababta Xildhibaanada xisbiga jamuurigu xilka xayuubin ugu samaynayan Madaxweynaha Mareykanka

 

Jamhuuriyiinta ayaa bilaabay dhageysiga dacwad xil ka qaadis ah oo ka dhan ah Madaxweyne Biden iyadoo ay jirto suurtagalnimada xiritaanka dowladda Tallaabo uu Aqalka Cad ku gacan seyray kuna tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn, ayaa Jamhuuriyaddu waxa ay wadaan baaritaan ku aaddan eedeymaha musuqmaasuqa ee ku xeeran qoyska Biden. Dabada ka xayuubinta ka dhanka ah madaxweyne Joe Biden waxaa afhayeen u hadlay Aqalka Cad ku tilmaamay "siyaasad xad dhaaf ah oo meeshii ugu xumayd maraysa." Xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka ayaa bilaabay dhageysigii ugu horreeyay ee baaritaankooda xil ka qaadista ah ee ku saabsan madaxweyne Joe Biden, iyadoo ay soo food saartay khatar ah in dowladda ay xireyso. Dhageysiga guddiga la socodka iyo la xisaabtanka Aqalka ayaa billaabay subaxnimadii Khamiista, waxaana hoggaaminayay guddoomiyaha xisbiga Jamhuuriga James Comer. Comer wuxuu sheegay in baaritaanku uu horey u soo bandhigay cadeymo la taaban karo oo ku saabsan sida Joe Biden uu uga faa'ideystay booskiisa faa'iidada dhaqaale ee qoyskiisa. Comer waxa kale oo uu Madaxweyne Biden ku eedeeyay in uu dadka Maraykanka khiyaamaynayey sannado badan oo ku saabsan ku lug lahaanshaha ganacsi ee qoyskiisa. Eedeymahan ayaa ugu horrayn ku saabsan ganacsiga shisheeye ee wiilka Biden, Hunter. Jamhuurigu waxa ay dabada ka riixayeen in baadhitaan lagu sameeyo arrimaha qoyska Biden tan iyo markii ay gacanta ku dhigeen aqalka Congress-ka horaantii sanadkan. Si kastaba ha ahaatee, Dimuqraadiyiinta ayaa ku dhaleeceeyay riixitaanka xil ka qaadista inay tahay mid siyaasadaysan oo aan lahayn aasaas adag. Aqalka Cad ayaa si adag u beeniyay eedeymaha musuqmaasuqa, iyadoo afhayeen u hadlay uu cambaareeyay baaritaanka isagoo ku tilmaamay "siyaasad xad dhaaf ah oo meeshii ugu xumayd." Afhayeenka Aqalka Kevin McCarthy, oo Jamhuuriya ah, ayaa faray guddiyada Aqalka inay bilaabaan hannaanka xil ka qaadista, isagoo tixraacaya "dhaqanka musuqmaasuqa" ee ku xeeran qoyska Biden oo la ogaaday intii lagu jiray baaritaannadii hore.


Somali Global News 




Tags

Post a Comment

0 Comments